YAAB: Kaadhka Buluuga Ah Oo Lagu Soo Darayo Kubada Cagta & Qaab Loo Isticmaali Doono

Kaarka buluuga ah ayaa lagu soo waramayaa in lagu soo darayo kubada cagta kaas oo qayb ka noqon doona tijaabooyinka sin-bin ee lagu dhawaaqi doono Jimcaha.

Telegraph Sport ayaa daaha ka qaadi karta sharci-dajiyayaasha ciyaarta, Guddiga Xiriirka Kubadda Cagta Adduunka (Ifab), ayaa saxiixay xeer kubada cagta loogu soo dari doono kaadh cusub oo lagu isticmaali doono markii ugu horaysay tan ilaa markii la istcimaalay kaadhadka Jaalaha iyo casaanka koobkii adduunka 1970-kii.

Tallaabadan kacaanka ah ayaa Ifab ay ku dhawaaqi doontaa qayb ka mid ah borotokoolka sin-bin kaas oo dhigaya in ciyaartoyda garoonka laga saaro muddo 10 daqiiqo ah haddii ay sameeyaan qalad xun ama ay muujiyaan diidmadooda garsooraha ciyaarta.

Hab-maamuuska cusub ee lagu dhawaaqay jimcihii ayaa kaadhka cusub ku xaddidi doona khaladaadka ka hortagaya weerar halista ah iyo diidmo, iyo sidoo kale xaqiijinta in ciyaaryahan la siiyo kaarka cas haddii uu qaato laba kaar oo buluug ah inta lagu jiro ciyaarta ama isku darka jaalaha iyo buluugga.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga