YAAB: Ciyaartoyda Barcelona Oo Laga Mamnuucay Inay Ku Maydhaan/Qubaystaan Garoonkooda Iyo Xarunta Tababarka

Ciyaartoyda kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa laga mamnuucay inay ku maydhaan xamaamyada ku yaalla garoonka Estadi Olimpic Lluis Companys ee ay kooxdu sida ku-meelgaadhka ah hoyga uga dhigatay inta uu socdo dhismaha lagu samaynayo Camp Nou. Waxa kale oo laga joojiyey inay ciyaartoydu ku qubaystaan garoonka tababarka.

Xavi Hernandez ooay kooxdiisu ku ciyaartoy Estadi Olimpic Lluis Companys oo baaxadda taageereyaasha soo geli karaya ay tahay 54,367 qof, ayaa waxa hore u isticmaali jirtay Espanyol intii u dhaxaysay sannadihii 1999kii illaa 2009, waxaana hadda ay Barcelona ku qaabbishaa kooxaha martida u ah maadaama uu ku yaallo isla magaalada ay ka dhisan tahay.

Si kastaba, ciyaartoyda Barcelona ayaa lagu qasbay inay ka baxaan garoonka iyaga oo aan ku leexanin xaaamka oo aan maydhanin marka ay ciyaaraan kulamada martida loo yahay, sidoo kalena waxa laga joojiyey garoonka tababarka in ay ku maydhaan marka uu tababarku u dhamaado, taas oo ka dhigan in iyagoo dhididsan ay guryahooda tagaan.

Sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Reuters, gobolka Catalonia iyo guud ahaan waddanka Spain ayaa ku jira abaartii ugu dheerayd, waxaana illaa bishii September ee sannadkii 2022 aan ka di’in roobabkii la filayay.

Roob yaraanta ayaa waxa ay aad uga hooseeyaan intii la filayay, waxaana la diiwaangeliyey rikoodh cusub oo biyo yaraan ah oo dalkaas ku habsatay, waxaanay taasi saamayn ku yeelatay garoonka ay Barcelona ku ciyaarto iyo xaruntooda tababarka intaba.

Dawladda gobolka Catalonia ayaa waxa ay qaadday tallaabooyin ay kula tacaalayso xaaladda biyo yaraanta, waxaana gobolka la geliyey ‘wajiga koowaad ee xaaladda degdegga ah’, waxaana yaraaday biyaha loo ogol yahay inay guryaha gaadhaan, sidoo kalena garoomada iyo xarumaha ciyaaraha ayaa si weyn hoos loogu dhigay, iyadoo dhinaca kalena la kordhiyey lacagta laga qaadayo dadka.

Barcelona oo arrintan ka duulaysa ayaa waxa ay ciyaartoydeeda ka mamnuucday inay ku maydhaan garoonka tababarka iyo garoonka Estadi Olimpic Lluis Companys intaba, waxaana ciyaartoydu marka ay garoonka ka baxaan ay si toos ah u tagaan guryahooda oo ay ka maydhaan.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga