Xulka qaranka Somaliya ayaa ayaa laga reebay tartanka FIFA Arab Cup kadib markii ay guuldaro kala kulmeen xulka Cumaan kulan ka tirsanaa is reeb-reebka koobka carabta ee Arab2025.
Kulanka ayaa ka dhacay dalka Qatar oo lagu wado in uu marti galiyo tartanka inta lagu jiro sanadkan.
Xulka Somaliya ayay ka muuqatay kalsooni kadib markii ay badiyeen kulankii Bahrain ee ay isugu diyaarinayeen kulanka.
Wiilasha Ocean Stars Ayaa ka fiicnaa dhigooda Cumaan iyaga oo samaynayay fursado cajiib ah iskuna dayay in ay badiyaan.
Sidoo kale dhanka daafaca waxa ay ahaayeen kuwo awood badan oo si fiican u difaacanaya goolkooda.
Waxa ay ciyaartu ku dhamaatay bar-baro 0/0 ah oo ayna labada xul wax gool ah kala dhalin kulanka.
Laba xul ayaa isla aaday rikoodhayaal kadib markii ay kala bixiwaayeen wakhtiga caadiga ah si ay u kala baxaan.
Waxa ay guushu 3/1 ku raacday xulka Cuman kuwaas oo iska xaadiriyay wareega Group-yada ee tartanka FIFA Arab Cup.
Be the first to comment