Xulka Senegal Oo Garaacday Xulka Masar Iskana Xaadiriyay Final Koobka Africa

Xulka qaranka Senegal ayaa guul 1–0 ah ka gaaray xulka Masar kulankii semi final  Koobka Qaramada Afrika oo la ciyaaray fiidnimadii Arbacada garoonka Ibn Battuta.

Goolka guusha ee Senegal waxaa dhaliyay Sadio Mané daqiiqaddii 78-aad, kadib markii uu laad xooggan ka tuuray bannaanka xerada ganaaxa, taasoo ka yaabisay goolhayaha Masar Mohamed El-Shenawy.

Guushan waxay Senegal u sahashay inay u gudubto final-ka Koobka Qaramada Afrika, halkaas oo ay kula ciyaari doonto guuleystaha kulanka u dhexeeya Nigeria iyo Morocco, oo la qorsheeyay in la ciyaaro Arbacada maanta saacaddu markay tahay 10:00 fiidnimo (waqtiga Qaahira).

Kulanka kama dambaysta ah ee Koobka Qaramada Afrika ayaa la ciyaari doonaa Axadda soo socota, saacaddu markay tahay 9:00 fiidnimo (waqtiga Qaahira).

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga