Xulka England Oo Xaqiijiyay Xiddig Liverpool U Ciyaara Oo Seegi Doona Waajibaadka Xulka Qaranka.

Xulka qaranka England ayaa xaqiijiyay in uu xiddiga Liverpool ee Curtis Jones seegayo waajibaadka xulka qaranka kulanka Finland.

Xulka England ayaa la ciyaari doona xulka Finalnd kulan ka tirsan tartanka Nations League.

Jones ayaa qayb ahaa xulka qaranka England ee uu tababaraha xulka England u soo xushay in uu ka qayb qaato tartanka Nations League.

Laakiin xulka England ayaa haatan xaqiijiyay in uu Jones ka hadhi doono xiddigaha xulka ee u safri doona dalka Finland.

Sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay xiriirka kubada cagta Ingariiska, Curtis Jones ayaa sababo shaqsi ah ku seegi doona waajibaadka xulka England.

Xiddiga khadka dhexe ee Jones ayaa la filayaa in uu diyaar u noqdo kulamada kooxdiise ee kadib fasaxa caalamiga ah.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga