Xiddigo Man City Oo La xaqiijiyay In Ay Seegi Doonaan Kulanka Liverpool.

In kasta oo kulanka Axadda ee u dhexeeya Manchester City iyo Liverpool laga yaabo inuu ka maqnaado xafiiltanka adag ee horyaalka xilli ciyaareedkii hore, waxa uu weli yahay kulan muhiim ah oo saami weyn ku leh labada dhinacba.

Liverpool ayaa doonaysa in ay ku xoojiso 8-da dhibcood ee ay ku hogaaminayso horyaalka Premier league halka Manchester City ay cadaadis ku saaran tahay in ay soo noolayso rajadeeda sii yaraanaysa ee ah in ay ku soo bixi karto afarta sare.

City waxa ay noqon doontaa bahal dhaawacan kadib markii ay guuldaro kala kulantay Real Madrid kana hadhay tartanka champions League.

Liverpool ayaa wali guuldarro la’aan ah 14 kulan oo ay marti ahaayeen xilli ciyaareedkan, waana Rikoodh ay gaadheen kaliya shan kooxood oo kale oo England ah oo heerka sare ah taariikh ahaan.

Si kastaba ha ahaatee Liverpool ayaan Rikoodh fiican ku lahayn Etihad iyaga oo kaliya ku badiyay Hal kulan 15-kii kulan ee ugu dambeeyay.

Waxa Jira xiddigo shaki ku Jiro taam ahaanshohooda kuwaas oo kala ah Erling Haaland, John Stones, Manuel Akanji, Rodri iyo Oscar Bobb.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga