Ciyaartoyda bixiyay caawinta ugu badan UEFA Champions League xilli ciyaareedkan ayaa la xaqiijiyay, iyadoo la sugayo wareegga siddeed dhammaadka (quarter-final) ee bisha April.
Kooxaha u gudbay wareeggaas waxaa ka mid ah: Real Madrid, Bayern Munich, Paris Saint-Germain, Liverpool, Atletico Madrid, Barcelona, Sporting CP iyo Arsenal.
Intii lagu jiray wareegga 16-ka, Michael Olise (Bayern Munich) iyo Vinícius Júnior (Real Madrid) ayaa midkiiba kordhiyay caawintiisa, iyagoo hadda leh min 7 assists, taasoo ka dhigaysa kuwa ugu sarreeya liiska.
Ciyaartoyda Caawinta ugu badan:
-
7 assists: Michael Olise (Bayern Munich), Vinícius Júnior (Real Madrid)
-
5 assists: Pierre-Emerick Aubameyang (Marseille), Antoine Griezmann (Atletico Madrid), Achraf Hakimi (Paris Saint-Germain)
Olise iyo Vinícius Jr ayaa hadda hoggaaminaya tartanka assists-ka, waxayna fursad fiican u leeyihiin inay sii xoojiyaan hoggaankaas marka la gaaro wareegyada xiga.
Be the first to comment