Xiddigaha Ku Guulaystay Tirada Ugu Badan Koobka Euro-da.

Waxa la isku diyaarinayaa tartanka adag ee Euro 2024 kaas oo la filayo in uu ka dhoco dalka Germany.

Xiddigaha reer Yurub ayaa ku hamiya ku guulaysiga tartanka maadama uu yahay tartanka ugu qaalisan qaarada.

Ka hor bilaabashada waxa jira xiddigo horay ugu soo guulaystay tartanka iyada oo ay ku kala badan yihiin tartanka.

Xiddiga reer Spain ee Xavi ayaa ah xiddiga ugu guulaysiga badan tartanka Euro iyaga oo ku guulaystay 3 jeer lana mid ah xiddiga reer Germany ee jürgen Klinsmann kaas oo 3 jeer ku guulaystay tartanka Euro-da.

Waxa ku xiga xiddigaha Giorgio Chiellini Iyo Zinedinez Zidane oo ku guulaystay koobka min 2 jeer.

Waxa ku xiga xiddiga reer Portugal ee Cristiano Ronaldo oo hal mar ku guulaystay tartanka.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga