Xiddigaha Chelsea Oo Ka Qoomamaynaya In Ay Ku Biireen Kooxda.

Qaar ka mid ah ciyaartoyda Chelsea ee ka tirsan kooxda Mauricio Pochettino ayaa ka qoomameynaya inay heshiisyo waqti dheer ah u saxiixeen kooxda, sida ay wararku sheegayaan.

Tan iyo markii Todd Boehly uu kala wareegay Roman Abramovich May 2022, Blues ayaa go’aansatay inay qandaraasyo dheer ka saxiixato.

Xiddigaha Mykhailo Mudryk, Enzo Fernandez, Moises Caicedo and Nicolas Jackson ayaa saxiixay heshiisyo wakhti fog ah.

Sidoo kale xiddigaha Robert Sanchez, Benoit Badiashile, Djordje Petrovic, Noni Madueke, Cole Palmer, Malo Gusto, Romeo Lavia, Lesley Ugochukwu & Deivid Washington ayaa saxiixay heshiisyo wakhti fog.

Sida laga soo The Athletic, qaar ka mid ah xiddigaha chelsea ee kooxda ku soo biiray ayaa durba ka shalaynaya in ay heshiisyo wakhti fog ah saxiixeen.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga