Xiddiga U Ciyaara Arsenal Oo La Bar-bar Dhigay Lionel Messi.

Halyeygii hore ee John Terry ayaa qirtay inuu si degdeg ah ula dhacay ciyaaryahanka da’da yar ee Max Dowman.

Ciyaaryahanka 16-jirkan ah ayaa gool dhaliyay kulankii ay Arsenal ka adkaatay Everton Sabtidii.

Terry ayaa TikTok ku yiri:“Max Dowman – waa ciyaaryahan cajiib ah runtii. Wuxuu jiraa 16 sano, ku dhawaad 17, waana wax lala yaabo”

“Waxaan arkay isagoo ciyaaraya qiyaastii sanad ka hor kulan ay la yeesheen Chelsea, run ahaantii ma arag qof sidan uga dhex siibta ciyaartoyda kale marka laga reebo Lionel Messi”

“Taasi waa isbarbardhig aad u weyn, laakiin wiilkan waa hibo dhab ah. Wuxuu door weyn ka ciyaari doonaa mustaqbalka Arsenal iyo sidoo kale xulka England national football team. Waa ciyaaryahan aad u heer sareeya – waana guul weyn oo Arsenal gaartay.”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga