![Carlo Ancelotti Real Madrid 11082024](https://i0.wp.com/kooxda.com/wp-content/uploads/2025/02/Carlo-Ancelotti-Real-Madrid-11082024.jpg?resize=480%2C270&ssl=1)
Daafaca kooxda Arsenal William Saliba ayaa lagu soo waramayaa in uu ku riyoodo u wareegida kooxda Real Madrid marka la gaadho suuqa xagaaga.
Tan iyo markii uu Arteta ku Soo daray kooxda 1-aad kadib dhawr amaah oo kala duwan Saliba waxa uu ka mid noqday daafacyada ugu fiican adduunka.
Wadar ahaan todobo gool ayuu dhaliyay 116 kulanka oo uu ciyaaray isaga oo lamaane cajiib ah la sameeyay daafaca Gabriel Magalhaes.
Sida laga soo xigtay Sky Sport Switzerland, Saliba waxa uu aad u doonayaa in uu u dhaqaaqo Real sida ugu dhaqsiyaha badan xilli ciyaareedka soo socda.
Waxa intaas dheer in ay maamulka kooxda Arsenal doonayaan in ay ku iibiyaan xiddiga lacag dhan $100 milyan oo euro.
Be the first to comment