
Kooxda Arsenal ayaa lumisay xiddig Muhiim ah kulankii ay ka badiyeen Kooxda Real Madrid.
Arsenal ayaa Iska xaadirisay Semi-final Champions League Kadib markii ay garaaceen Real Madrid kulan ka dhacay Bernabeu.
Gunners ayaa haatan la ciyaari doonta kooxda PSG kulanka Semi-final Champions League.
Laakiin Arsenal waxa ka Maqnaan Doona xiddiga khadka Dhexe ee Thamos Partey kaas oo Ganaax ku seegi doona kulanka lugta 1-aad.
Partey ayaa qaatay kaadhka digniinta ah kulankii ay kooxdiisu ka badisay Real Madrid.
Sidaas darteed xiddiga ayaa Hal kulan ku seegi doona Ganaax champions League.
Be the first to comment