Xiddiga Chelsea, Estevao Willian, ayaa sharaxay sababta uu Blues-ka ugu doortay kooxo ay ka mid yihiin Manchester United, Nottingham Forest iyo Tottenham Hotspur.
Chelsea ayaa heshiiska la gaartay Estevao kana soo qaadatay Palmeiras sanadkii 2024.
Si kastaba, xiddiga reer Brazil wuxuu si rasmi ah ugu soo biiray Stamford Bridge xagaagii hore.
Ka hor inta uusan u wareegin Chelsea, Estevao waxaa lala xiriirinayay Man United, Spurs iyo Forest.
Isagoo la hadlayay The Sun, 18-jirkan ayaa yiri:“Qoyskeyga waxay booqdeen kooxo kale, laakiin waxa indhahayga soo jiitay waxay ahayd Chelsea”.
“Mashruuca Chelsea wuu ka duwanaa, sababtoo ah waa koox, sideen u dhahaa… ku siisa fursado badan oo aad ciyaarta uga mid noqoto”
“Waxaan u maleynayay in Chelsea ay noqon doonto mustaqbalka ugu fiican aniga, sababtoo ah waxay iga caawin doontaa inaan helo daqiiqado badan oo aan ku ciyaaro isla markaana aan ka mid noqdo ciyaartoyda ugu fiican adduunka.”
Be the first to comment