Xiddiga Boorsooyinkiisa Ka Qaadan Doona Liverpool Kadib Ku Guulaysiga Premier League.

Xiddiga Federico Chiesa ayaa lagu soo waramayaa in uu isaga Tagi doono kooxda Liverpool kadib dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Xiddiga reer Italy ayaa xagaagii Liverpool Kaga Soo Biiray kooxda Juventus waxana uu ahaa saxiiixii kaliya ee ay Kooxdu samaysay.

Si kasta ha ahaatee xiddiga ayaa si weyn ugu dhibaatooday ciyaaraha waxana uu Kaliya ku bilowday 3 kulan ilaa haatan premier league.

Wargayska Calcio Mercato ee ka soo baxa talyaaniga ayaa sheegaya in 27 jirkan uu ku laaban karo Italy xagaagan iyada oo ay suurtogal tahay in ay la soo wareegaan saddex kooxood.

Wargeysku waxa uu sheegay in doorashada ugu “macquulsan” ay tahay Inter Milan, maadaama garabka bidix ee hadda Joaquin Correa ay u badan tahay inuu ka tago kooxda Serie A xagaagan.

 

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga