
Bacary Sagna ayaa si cajiib ah u saadaaliyay in Liverpool ay ka hari doonto Champions League isla markaas guuldaro kala kulmi doonaan PSG inkasta oo ay badiyeen lugtii hore ee wareega 16-ka champions League.
Xiddigii hore ee Arsenal ayaa sidoo kale aaminsan in Gunners ay wali fursad u haysato ku guulaysiga Premier League inkasta oo ay Reds hogaanka ku hayso horyaalka.
Liverpool ayaa ah kooxda ugu cad cad in ay ku guulaysato kaliya koobkoodii labaad ee abid Premier League kadib markii ay 13 dhibcood ka sareeyaan Arsenal iyada oo ay 10 kulan ka hadhsan yihiin.
Kooxda Arne Slot ayaa laga badiyay kaliya hal kulan horyaalka xilli ciyaareedkan iyo seddex tartamada oo dhan ah, halka Mikel Arteta wiilashiisa ay ku dhex jiraan dhaawacyo badan.
Si kastaba ha ahaatee, Sagna ayaa wali rajo ka qaba in kooxdiisii hore ay dhamaystiri karto soo laabasho mucjiso ah kadib markii uu daawaday qaab ciyaareedkii aan fiicnayn ee ay Liverpool soo bandhigtay kulankii PSG.
“Waxaan aaminsanahay inay [Arsenal] qabanayaan shaqo fiican. Dadka qaar ayaa niyad jabay sababtoo ah waxay filayeen in kooxdu ay xoogaa ku soo dhawaato [Liverpool] waqtigan”Ayuu yidhi daafacii hore ee Arsenal.
“Inta ay le’eg tahay dhaawacyada soo gaaray iyo gaar ahaan dhaawacyada muhiimka ah sida Gabriel Jesus – waxa ay ahayd dhibaato weyn laakiin waxaan aaminsanahay in ay xilli ciyaareed fiican qaadanayaan”.
“Waxa ay lumiyeen dhibco gaar ahaan kulankii West Ham laakiin guud ahaan shaqo fiican ayay qabanayaan”.
“Dabcan wali horyaalku ma dhamaan, way adagtahay in ay soo qabtaan Liverpool laakiin marka aad eegto kulankii ay ciyaareen PSG, Waxa aan dareemayaa in ay gali doonaan wakhti ayna si fiican u ciyaarin”.
“Waxa aan qabaa in uu wakhtigaas noqon doono midka ay Arsenal soo yarayn doonto farqiga dhibcaha”.
“Waxaan aaminsanahay in Paris ay heysato fursad wanaagsan oo ay ugu gudubto heerka Champions League, markaas dareenka ayaa hoos u dhici doona. Daqiiqadii Liverpool ay duulaysay sababtoo ah natiijooyinka ay helayaan”
Be the first to comment