Xiddig U Ciyaara Real Madrid Oo Seegaya Champion League

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Real Madrid Aurelien Tchouameni ayaa lagu soo waramayaa in uu Seegi Doono final champion league.

Los Blancos ayaa Soo qaadatay xilli ciyaareedka Iyaga Oo ku guulaystay champions league.

Waxa ay fursad u haystaan in ay wali koob kale ku guulaystaan champion league Marka ay la Ciyaari doonaan kooxda Dortmund.

Sida laga soo xigtay Marca, Tchouameni ayaa luminaya tartanka uu ugu Jiro in uu taam u noqdo kulanka Final-ka Champions League.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Faransiiska ayaa garoomada ka maqnaa tan iyo markii uu ku dhaawacmay kulankii semi-finalka ee 2-1 ay kaga badiyeen Bayern Munich horaantii bishaan.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga