Xiddig U Ciyaara Man United Oo Wajahaya Ganaax, Sabab.

Manuel Ugarte ayaa wajahaya ganaax kadib markii uu madax ku dhuftay xiddiga Kai Havertz intii lagu guda jiray kulankii Manchester United ee wareega seddexaad ee FA Cup ay la ciyaareen Arsenal Axadii.

Kooxda Man United ayaa rikoodhayaal kaga badisay kooxda Arsenal kulan ka dhacay Emirates kana tirsnaaa tartanka FA Cup-ka.

Ciyaarta ayaa ahayd mid muran badan dhalisay iyada oo xiddigo badan isku dheceen garsooruhuna dirqi ku kala qabtay xiddigaha.

Waxa la arkay xiddiga Ugarte oo madax ku dhuftay xiddiga kooxda Arsenal ee Havertz.

Havertz ayaa dhulka ku dhacay waxana ay taasi keentay in ay xiddigaha labada kooxood isku dhacaan.

Xiddiga Ugarte ayaa haatan wajahaya ganaax uga yimaada xidhiidhka FA-ga sabab la xidhiidha dhacdada.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga