Xiddig U Ciyaara Man United Oo Doonaya In Uu Ku Biiro AS Roma.

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Manchester United Casemiro ayaa lagu soo waramayaa inuu “u furan yahay suurtogalnimada” inuu amaah ugu biiro Roma inta ka dhiman xilli ciyaareedkan.

Casemiro ayaa muddo dheer lala xiriirinayay inuu ka tagayo United, isagoo ku dhibtooday inuu gaaro heerkii ugu sarreeyay xilli ciyaareedkiisii ​​​​ugu horreeyay ee Old Trafford 2022/23, xilligaasoo uu noqday xiddig laf dhabar  ah kooxda.

Xiddig oo ay Man United si qaali ah ugala soo wareegtay Real Madrid kuna kacay 60 milyan ayaa sidoo kale ka mid ah xiddigaha ugu mushaharka badan ayaa ka baxay qorshaha Amorim.

Casemiro waxa uu ahaa beddel aan la isticmaalin siddeed ka mid ah tobankii kulan ee ugu dambeeyay Premier League, welina ma ciyaarin gabi ahaanba 2025.

Sky Sport Italia ayaa markii ugu horaysay soo warisay rabitaanka United ee ah in Casemiro uu amaah ku baxo inta lagu guda jiro maalmihii ugu dambeeyay suuqa kala iibsiga January.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga