
Xiddig yar oo ka tirsan Chelsea ayaa sharraxay sababta uu si degdeg ah u diiday heshiis aad u faa’iido badan oo uu ugu biiri lahaa kooxda Al-Qadsiah ee horyaalka Sucuudiga.
Kooxda Blues ayaa dhawr ciyaartoy ka iibisay kooxaha sucuudiga sanadihii ugu dambeeyay iyadoo Joao Felix uu dhawaan ku biiray kooxda Al-Nassr qiimo dhan £26 milyan.
Kooxda uu hoggaamiyo Cristiano Ronaldo ayaa sidoo kale isku dayday inay la soo saxiixato Marc Cucurella, balse daafaca bidix ayaa diiday dalabkaas wuxuuna heshiis kordhin la saxiixday Chelsea.
Inkastoo suuqa kala iibsiga ee Premier League uu xirmay, suuqa Sucuudiga ayaa weli furan ilaa 23-ka Sebtember, waxaana toddobaadkan la sheegay in Chelsea ay wadahadallo la leedahay kooxaha Bariga Dhexe si ay u iibiyaan Andrey Santos.
Kooxda Al-Qadsiah ayaa muujisay xiisaha ay u qabto saxiixa khadka dhexe ee Andrey Santos, waxayna soo bandhigtay dalab qiimihiisu yahay £60 milyan, kaasoo uu tababaraha Enzo Maresca u muuqday inuu diyaar u yahay inuu aqbalo.
Santos waxaa loo soo bandhigay heshiis sanadle ah oo qiimihiisu yahay £7 milyan — taasoo shan jeer ka badan lacagta uu ka qaato Stamford Bridge — hase yeeshee, heshiiska ayaa burburay kadib markii ciyaaryahanku diiday inuu u wareego kooxdaas.
Hadda, wareysi uu siiyay Trivela, Santos ayaa xaqiijiyay wararka isla markaana sheegay in go’aankiisa uu ugu wacan yahay rabitaankiisa ah inuu u ciyaaro dalkiisa Koobka Adduunka 2026.
“Dalabkii wuu yimid, laakiin si degdeg ah ayaan u diiday sababtoo ah riyadayda iyo hadafkeyga ugu weyn waa in aan ciyaaro koobka adduunka”.
“Waan ogahay in joogitaanka Chelsea iyo Premier League ay ii siinayaan fursado ka wanaagsan kuwii aan heli lahaa Sucuudiga. Taasi waxay ahayd sababta ugu weyn ee aan uga jawaabay sidaas.”
Be the first to comment