Difaacii hore ee Chelsea, Frank Leboeuf, ayaa kula taliyay kabtanka Arsenal, Martin Odegaard, inuu ka fiirsado ka tagista kooxda dhammaadka xilli ciyaareedka, maadaama uu sheegay inuusan mar dambe saameyn weyn ku lahayn kooxda.
Xilli ciyaareedkan, Odegaard wuxuu la kulmay dhibaatooyin dhanka qaab ciyaareedka iyo dhaawacyo ah, isagoo seegay 15 kulan sababo la xiriira dhaawacyo kala duwan.
Khadka dhexe ee reer Norway ayaa dhaliyay hal gool oo kaliya isla markaana bixiyay toddobo caawin (assists) 27 kulan oo uu u saftay kooxda uu hoggaamiyo Mikel Arteta.
Isagoo ka hadlayay ESPN, kana barbar hadlayay xiddigii hore ee Liverpool, Steve Nicol, Leboeuf wuxuu yiri:“Waan ku raacsanahay [Nicol oo sheegay in Odegaard ka fiirsado inuu ka tago Arsenal”
“Mar walba waan jeclaa Martin Odegaard iyo qaabka uu u ciyaaro sababtoo ah waa ciyaaryahan xarrago leh, balse hadda saameyn ma laha.”
Leboeuf wuxuu intaas ku daray:“Wuxuu caawin doonaa Viktor Gyokeres sidoo kale [haddii Odegaard ka tago Arsenal]. Sidaas darteed, waxay noqon doontaa waqti adag oo ku soo wajahan Odegaard, waana inuu sameeyaa go’aan weyn oo sax ah dhammaadka xilli ciyaareedka.”
Be the first to comment