Ray Parlor waxa uu Martin Odegaard la barbar dhigay halyeyga Arsenal Dennis Bergkamp, waxa uuna aaminsan yahay in ciyaaryahanka khadka dhexe uu ku soo bilowdo kulanka Chelsea xitaa hadii uuna 100% taam ahayn.
Odegaard ayaa seegay 12 kulan oo uu u saftay Arsenal tartamada oo dhan ka dib markii uu dhaawac canqowga ah ka soo gaaray intii uu ku guda jiray waajibaadka qaran ee Norway bishii September.
Dhaawaca Odegaard ayaa sabab u noqotay natiijooyinka xun ee kooxda oo laga badiyay 2 kulan oo xidhiidh ah premier League.
“Wuxuu leeyahay, aragti fiican, Waxa uu leeyahay Halbuur fiican”ayuu xididgii hore ee Arsenal yimid.
“Haddii aad eegto aagga khadka dhexe, waxaad haysataa Partey, Rice iyo Merino, runtii waa ciyaartoyo fiican”.
“Laakiin hadii aan runta ka hadlo Odegaard waa ciyaartoy xalin kara xaaladaha yar-yar”ayuu sii raaciyay.
“Waxa aan daawaday Bergkamp markii uu ciyaarayay, ma odhan karo Odegaard waxa uu u fiicanyahay sida Bergkamp laakiin waxa la mid”.
Be the first to comment