Xiddig PL Jooga Oo Loo Arko In Uu Badal U Noqon Doono Mohamed Salah

Weeraryahankii hore ee Liverpool Robbie Fowler ayaa ka hadlay ciyaaryahan laga yaabo in bedello xiddiga Masar Mohamed Salah ee kooxda reer England, xilli la hadal hayo hoos u dhac ku yimid qaab ciyaareedkiisa iyo baahida loo qabo badelkiisa .

Mohamed Salah ayaa xili ciyaareedkan si qurux badan kula bilaaban Liverpool, waxaana xidiga reer Masar uu la kulmay dhaleecayn maadaama uu dhaliyay kaliya shan gool, islamarkaana uu ka qeyb qaatay seddex gool caawin 16 kulan oo uu saftay xilli ciyaareedkan, waana tiro aad uga fog heerkiisii ​​caadiga ahaa.

Mohamed Salah ayaa xilli ciyaareedkii hore lala xiriirinayay in uu isaga tagi doono kooxda Liverpool isaga oo si weyn u xiiseeya horyaalka Sucuudiga, balse ugu dambayn waxa uu qandaraaska u cusboonaysiiyay kooxdiisa.

Liverpool ayaa xilli ciyaareedkan lala xiriirinayaa magacyo dhowr ah oo ay ku bedeli karaan Mohamed Salah weerarka, oo uu ku jiro weeraryahanka Bournemouth Antoine Serlom Semenyo

Fowler wuxuu yiri: “Waxaan arkay in Liverpool lala xiriirinayo saxiixa ciyaaryahanka Bournemouth Antoine Serlom Semenyo waa xiddig weyn balse ma hubo in kooxdiisa ogalaan doonto

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga