Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Benfica horayna uga soo hoos ciyaaray tababaraha Liverpool ee Arne Slot Orkun Kokcu ayaa ka hadlay saameynta uu tababaraha Liverpool ku leeyahay xirfadiisa xilli lala xiriirinayo u wareegida Anfield.
Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Turkiga ayaa soo noqday kabtanka kooxda Feyenoord intii lagu jiray xilli ciyaareedkii 2022/2023 ka hor inta uusan ugu wareegin kooxda reer Portugal ee Benfica heshiis € 25m xagaagii hore.
Benfica ayaa saxiixa xiddiga ku garaacday kooxo badan oo ay ka mid tahay Liverpool xiddiga 23 jirka ah ayaa si deg-deg ah ula qabsaday horyaalka Portugal waxana uu dhaliyay 11 gool halka uu caawiye ka noqday 58 kulan tartamada oo dhan.
Kadib markii ay soo bexeen wararka sheegaya in ay Liverpool indha-indheeyayaal u dirtay si ay u daawato xiddiga, Kokcu ayaa haatan fariin u diray Slot.
“Slot waa sida aabahay oo kale, isaga ayaa iga dhigay qofka aan ahay, waa tababaraha ugu fiican adduunka”ayuu yidhi.
Be the first to comment