Xiddig Kale Oo Arsenal Oo Xaqiijiyay In Uu Ka Tagayo kooxda

Albert Sambi Lokonga ayaa ku dhawaaqay inuu doonayo inuu ka tago Arsenal.

Ciyaaryahanka khadka dhexe ayaa haatan amaah kula qaatay kooxda Luton Town.

24 jirkaan ayaa dhaliyay hal gool waxaana uu caawiyay seddex gool 19 kulan oo uu u saftay Luton.

“Arsenal ayaan wada hadal la yeeshay gabagabadiina waxa uu ahaa waxa iigu wanagsan in aan kooxda ka tago, marka hadda wakiilkayga iyo kooxda ayay ku xidhan tahay in ay wax helaan”ayuu u sheegay BBC Sport.

“Weli waxaan halkaas ku haystaa qandaraas, hal sano iyo hal sano oo dookh ah, markaa aan aragno waxa dhaca

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga