Xiddig Haatanba Qirtay In Uu Ka Tagayo Liverpool Xagaaga.

Albert Sambi Lokonga ayaa qirtay inuu aad u doonayo inuu si joogto ah uga tago kooxda Arsenal kuna biiro Sevilla suuqa xagaaga.

Lokonga ayaa Arsenal ugu soo biiray heshiis 17 milyan ah isaga kaga soo biiray kooxda Anderlecht sanadkii 2021, ciyaaryahanka khadka dhexe ayaa ku riyaaqay xilli ciyaareed wanaagsan waqooyiga London, isagoo u saftay 24 kulan tartamada oo dhan.

Laakiin tartanka adag ee boosaska ah yaa keentay in uu xiddigu lumiyo booskiisa waxana uu Arteta u ogolaaday xiddiga in uu amah ugu biiro kooxda Crystal Palace xilli ciyaareedkii 2022/2023 ka hor inta uuna Sevilla amah ugu biirin.

Xiddiga Lokonga ayuu 18 bilood ka dhimantahay heshiiskiisa kooxda Arsenal waxana uu qirtay in uu isaga tagi doono kooxda Arsenal xagaaga.

“Aad ayaan ugu fiicanahay [Sevilla]. Waan korayaa oo waxaan dareemayaa fiicnaan ciyaar kasta”ayuu Lokonga yidhi.

“Tan iyo markii aan ka tagay Anderlecht, Sevilla waa kooxda aan dareemayo in aan aad ugu wanaagsanahay”

“Waxaan rabaa inaan joogo laakiin kaliya maaha go’aankeyga”.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga