Xiddig Arsenal Muhiim Ah Oo Dhaawac Uga Baxay Kulanka Nottingham Forest.

Martin Odegaard ayaa mar kale dhaawac uga baxay kulan Arsenal ah.

Xiddiga Khadka dhexe ahna kabtanka kooxda Arsenal ayaa dhaawac uga baxay kulanka ay Arsenal la ciyaarayso Nottingham Forest kulan ka tirsan premier League.

Martin Odegaard Ayaa dhaawacmay kadib markii uu soo dhexgalay kubad uu xiddig ay saaxiib yihiin kula loolamayay xiddiga Nottingham Forest Ah.

Xiddiga reer Norway ayaa ciyaarta laga saaray daqiiqadii 18-aad ee qaybta hore ee ciyaarta.

Odegaard ayaa lagu badalay xiddiga da’yarka ah ee kooxda Arsenal Ethan Nwaneri kadib kii uu sii wadan kari waayay ciyaarta.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga