Xavi weli wuu u furan yahay fikradda ah inuu tababare ka noqdo Manchester United, wuxuuna jeclaan lahaa fursad uu kaga shaqeeyo Premier League-ga, isagoo aaminsan inuu diyaar u yahay caqabaddaas, sida uu sheegay Fabrizio Romano.
Si kastaba ha ahaatee, saxafiyahan Talyaaniga ah ayaa carrabka ku adkeeyay in hadda aysan jirin wax wada-xaajood ah ama wadahadallo rasmi ah oo u dhexeeya tababarahii hore ee Barcelona iyo kooxda Old Trafford.
Romano ayaa xaaladda caddeeyay iyadoo ay jireen warar ku saabsan raadinta tababaraha cusub ee United, kaddib markii Ruben Amorim dhawaan shaqada laga eryay.
“Ma jiro wax run ah oo u dhexeeya Xavi iyo Manchester United ugu yaraan hadda — wax wada-xaajood ah ma socdaan,” ayuu yiri.
Inkasta oo Xavi uu u furanyahay suurtagalnimadaas isla markaana uu dareemayo inuu u diyaar yahay Premier League-ga, haddana tallaabo kasta oo suuragal ah waxay u muuqataa mid weli fog.
“Waxba hadda ma jiraan, balse waligaa ma ogid,” ayuu Romano ku daray”.
Be the first to comment