XASAASI: Xiddigaha Man United Oo Doortay Tababaraha Ay Doonayaan In Uu Badalo Erik Ten Hag.

Xiddigaha Man United ayaa lagu soo waramayaa maamulka Man United in ay shaqada ka caydhiyaan tababare Erik Ten Hag.

Tababaraha Man United ee Erik Ten Hag ayaa u dagaalamaya in uu sii haysto shaqadiisa kadib markii uu kaliya guul ku hogaamiyay kooxdiisa 2 kulan 6-dii kulan ee ugu horeeyay ee premier League.

Van Nistelrooy ayaa xagaagii loo magacaabay caawiyaha tababaraha iyada oo is badal weyn ka dhacay shaqaalaha tababarka ee kooxda.

Xiddigii hore ee Man United ayaa durba saamayn ku yeeshay xiddigaha kooxda iyada oo xiddigaha kooxdu maamulka u sheegayaan in isaga lagu badalo Erik Ten Hag.

Sida laga soo xigtay Star Sport, xiddigaha Man United ayaa soo dhawaynaya in Van Nistelrooy loo magacaabo tababaraha kooxda isla markaas shaqada laga caydhiyo Erik Ten Hag.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga