
Wararka ka imaanaya France ayaa sheegaya in xiddiga kooxda PSG ee Ousmane Dembélé uu ku guulaystay abaalmarinta xiddig ugu fiican adduunka ee Ballon d’Or 2025.
Koontada MatchdayHQ ee barnaamijka X (Twitter hore) ayaa shaaca ka qaaday in, sida lagu sheegay wararka, qaban-qaabiyeyaasha abaalmarinta ay horeyba ugu wargeliyeen in isaga yahay guuleystaha, taas oo ay bixiso majalladda France Football oo lagu gudoonsiiyo ciyaaryahanka ugu fiican adduunka.
Arrintan ayaa Ousmane Dembélé ka dhigtay mid hoggaanka ka haya muuqaalka kubadda cagta caalamka, kaddib xilli ciyaareed cajiib ah oo uu soo bandhigay heerar sare, ha ahaato kooxdiisa ama xulka qarankiisa.
Xiddiga caalamiga ah ayaa door muhiim ah ka qaatay guusha Paris Saint-Germain ee ku guuleysiga Champions League, isagoo ahaa mid go’aan ka gaaray kulammada kama-dambaysta ah.
Dembélé waxa uu wajahayaa tartan adag oo kaga imaanaya magacyo waaweyn sida Vinícius Júnior oo reer Brazil ah kana tirsan Real Madrid, Erling Haaland weeraryahanka gooldhalinta ah ee Manchester City, Raphinha xiddiga reer Brazil ee Barcelona, iyo Mohamed Salah gooldhaliyaha Liverpool ee reer Masar, iyo sidoo kale Jude Bellingham oo Ingiriis ah, kaas oo xilli ciyaareed cajiib ah la qaatay Real Madrid.
Be the first to comment