Kooxda Real Madrid ayaa xaqiijisay in uu dhaawac soo gaadhay xiddiga Trent Alexander-Arnold kaas oo ka dhaawacmay muruqa lugta bidix intii uu socday kulankii uGu dambeeyay ee ay kooxdu ciyaarta.
Kooxdu ma xaqiijin mudada uu garoomada ka maqnaan doono laakiin waxa ay sheegtay in lala socon doono xaaladiisa maalmaha soo socda.
Sida ay sheegeen warbaahinta Isbaanishka, Alexander-Arnold wuxuu ka maqan noqon karaa garoomada muddo gaari karta laba bilood, taas oo ku timid waqti aad u xun, maadaama uu ciyaaryahanku bilaabay inuu si tartiib tartiib ah ula qabsado kooxda kaddib markii uu ka soo laabtay dhaawac hore oo sabab u noqday inuu hal bil maqnaado.
Tababaraha kooxda, Xabi Alonso, wuxuu hadda wajahayaa dhibaato weyn booska daafaca midig, gaar ahaan iyadoo Dani Carvajal uu maqnaan doono ilaa dhammaadka sanadka 2025 sababo la xiriira dhaawac, taas oo ka dhigan in Real Madrid aysan haysan doonin daafac midig oo dabiici ah kulamada soo socda.
Trent Alexander-Arnold ayaa si weyn ugu dhibaatooday in uu si joogto ah ugu ciyaaro Real Madrid xilli ciyaareedkan sabab la xidhiidha dhaawac.
Be the first to comment