Mohamed Salah ayaa ka jawaabay heshiis cusub oo ay u soo bandhigtay Liverpool.
Reds ayaa doonaysa in ay heshiis cusub ka saxiixato xiddiga.
Mo Salah, sida ay wax u socdaan, waxa uu ka tagi doonaa Liverpool dhamaadka xilli ciyaareedkan.
Qandaraaska uu kula jiro kooxda ayaa dhacaya ilaa haatana kooxdu heshiis cusub kama Saxiixan.
Masrawy ayaa si gaar ah u sheegay in Mo Salah uu diiday heshiis cusub oo ay Liverpool u soo bandhigtay.
Heshiiska ayaa ah mid hoos loo dhigayo mushaharka uu xiddigu haatan kooxda ka qaato.
Liverpool ayaa dooneysa in Salah uu dhimo mushaharka si ay uga saxiixdaan 2 ama 3 sano oo cusub.
Laakiin Salah ayaa diiday in uu aqbalo Dalabka ay Liverpool u soo Bandhigtay mana dhimi doono mushaharkiisa.
Be the first to comment