XASAASI: Neyma Oo Saxiixiisa U Soo Bandhigay Barcelona Iyo Jawaabta Uu Helay.

Neymar ayaa lagu soo waramayaa in uu naftiisa u bandhigay kooxda Barcelona xilli uu suuqa kala iibsiga xagaaga ku dhaw yahay in uu xidhmo.

Tababaraha Barcelona Hansi Flick ayaa jawaab degdeg ah ka bixiyay isaga oo u sheegay “Maya” sida laga soo xigtay Wargayska Spor.

Jawaabta Flick ayaa la mid ah tii Xavi la sheegay inuu bixiyay markii garabka reer Brazil isku soo bandhigay kooxda xagaagii hore.

Neymar ayaa xitaa diyaar u ah in uu qaab amaah ah ugu ciyaaro kooxda maadama ayna Barcelona awoodin mushaharka xiddiga.

Si kastaba ha ahaatee, kooxda ayaa hadda u socota jiho ka duwan kuwii hore iyadoo da’yarta loo dhiibay xilka.

Xiddigaha Lamine Yamal, Gavi, iyo Pedri ayaa muhiim u ah kooxda Barcelona

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga