XASAASI: Mbappe, Vinicius Junior & Xiddigo Halis Ugu Jira In Ay Seegaan Kulanka Arsenal, Sabab.

Afar ciyaaryahan oo Real Madrid ah, oo ay ku jiraan Kylian Mbappe iyo Vinicius Junior, ayaa wajahaya ciqaab kaga timaada dhanka UEFA, oo ay ku jirto ganaax suurtagal ah, ka hor kulanka ay afar dhammaadka Champions League ku wajahayaan Arsenal.

Xidhiidhka kubbada cagta Yurub ee UEFA ayaa talaabo anshax marin ah ku furay Mbappe, Antonio Rudiger, Vinicius Jr iyo Dani Ceballos kadib markii ay ku dhaqmeen dabaal daggii Madrid ee ka dhacayay garoonka Metropolitano kadib markii ay rigoorayaal kaga soo garaaceen Atletico Madrid wareega 16 ka March 12.

Rudiger ayaa wajahaya ciqaabtii ugu adkeyd ka dib markii lagu qabtay isagoo cunaha gacantiisa marinaya si hanjabaad ah kadib markii ay ka badiyeen Atletico.

Mbappe ayaa la arkayay isaga oo xubintiisa taranka u jeediyay dhinaca taageerayaasha Atletico madrid.

Vinicius ayaa la arkayay isaga oo maaliyada Atletico dhulka dhigay kuna tuntay kadib rikoodhadii ay kooxdiisu ku badisay.

UEFA ayaa haatan baadhitaan ku wada xiddigaha Real Madrid iyaga oo wajihi kara ganaaxyo sababi kara in ay seegaan kulanka Arsenal.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga