XASAASI: Man United Oo Shaqada Ka Caydhisay Sir Alex Ferguson, Muxuu U Qaban Jiray?

Ineos, oo ka mid ah milkiilayaasha Manchester United, isla markaana mas’uul ka ah maamulka ciyaaraha kooxda, ayaa go’aansaday in ay shaqada Ka Joojiyaan tababarihii hore ee kooxda Sir Alex Ferguson.

Ferguson ayaa ahaa safiirka kooxda Man United isaga oo mushahar ahaan sanadkii u qaadan jiray lacag dhan 2 milyan oo euro.

Intii uu ku guda jiray socdaalka uu kula jiray Red Devils, Sir Alex Ferguson waxa uu ku riyaaqay xirfad maadaama lagu tiriyo mid ka mid ah macallimiinta ugu caansan iyo kuwa ugu wanaagsan ee maamulay kooxda.

Inkastoo Ineos ay joojisay heshiiska Sir Ferguson, hadana waxa uu sii ahaan doonaa agaasime dusha kala socon doona xaalada kooxda.

Tababare Ferguson ayaa ku lug lahaa shaqada Man United tan ilaa markii uu ka tagay kooxda sanadkii 2013.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga