
Weeraryahanka Liverpool Luis Diaz ayaa ogolaaday in uu ku biiro koox Bayern Munich suuqa xagaagan.
Kooxda Bundesliga ka dhisan ayaa Diaz ka dhigatay bartilmaameedkeeda ugu sarreeya booska garabka bidix, Bild ayaana sheegtay inuu xiddigu aqbalay heshiiska shaqsiga ah.
Bayern ayaan wali wadahadal rasmi ah la furin Liverpool kuwaas oo ku adkaystay in uuna iib ahayn xiddiga reer Colombia.
Si kastaba ha ahaatee ogolaanshaha xiddiga ee u dhaqaaqista Bundesliga ayaa gacanta ka xidhaysa Liverpool.
Diaz waxa uu dhaliyay 17 gool iyo sideed caawin tartamada oo dhan xilli ciyaareedkii hore.
Be the first to comment