XASAASI: Chelsea Oo Laga Ganaaxay Suuqa Kala Iibsiga.

Kooxda Chelsea ayaa dusha laga saaray ganaax lacageed Iyo waliba mid suuqa kala iibsiga ah sida uu xaqiijiyay saxafiga Fabrizio Romano.

Romano ayaa bogiisa “X” ku shaaciyay ganaaxa dusha laga saaray kooxda Chelsea kaas oo uga yimid horyaalka premier League.

Romano ayaa sheegay in Blues dusha laga saaray ganaax lacageed oo dhan 10.7 milyan euro iyada oo lagu helay dambi ah in ay jabisay xeerka dhaqaalaha ee premier League.

Sidoo kale Chelsea ayaa lagu helay dambi ah in ay maal-galin ka helay shirkad 3-aad wakhtigii uu milkiilaha ka ahaa kooxda Roman Abramovich.

Chelsea ayaa sidoo kale dusha laga saaray ganaax 9 bilood ah oo ayna la soo saxiixan Karin kooxaha da’yarka ah.

Sidoo kale Blues ayaan hal sano wax saxiix cusub ah samayn Karin suuqa kala iibsiga kooxda 1-aad

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga