
Saddex ciyaartoy oo Arsenal ah ayaa halis ugu jira in laga ganaaxo kulanka lugta labaad ee siddeed dhammaadka Champions League ee ay Gunners la ciyaari doonto Real Madrid.
Sharciga Champions League ayaa dhigaya in ciyaartoyda la ganaaxo hal kulan haddii ay qaataan seddex kaar oo digniin ah ka hor inta aan dib loo dhigin rikoorka ka dib wareega 8da, waxaana ciyaartoyda muhiimka ah ee Arsenal ay halis ugu jiraan inay seegaan kulanka lugta labaad haddii kaarka jaalaha ah lagu siiyo Emirates habeenka Salaasada.
Anshaxa ayaa haatanba ah mid dhib ku haya Arsenal iyada oo xiddigo badan kaadhka cas looga taagay kooxda tartamada oo dhan xilli ciyaareedkan.
Xiddiga Raheem Sterling ayaa ganaax hal kulan ah ku maqnaan doona inkasta oo uu kaliya ciyaaray 2 kulan.
Kuwa halista ugu jira ganaaxa waxaa ka mid ah Declan Rice, kaasoo jaale qaatay kulan ka tirsana heerkii Horyaalka kulankii Girona ka hor inta uuna kaadh diginin ah qaadan kulankii PSV.
Sidoo kale waxa halis ku jira xiddiga Jurrien Timber kaas oo 2 kulan qaatay kaadhka digniint ah halka uu ku xigo Gabriel Martinelli kaas oo wajahaya ganaax hadii uu qaato kaadh digniin ah kadib markii kaadhka digniinta uu qaatay kulamada Shakhtar Iyo Monaco.
Be the first to comment