Xaqiiqooyin Cajiib Ah Oo Ku Saabsan Kulanka Kooxaha Ugu Guulaysiga Badan FA Cup

Kulanka ugu xiisaha badan England ayaa maanta dhexmari doona kooxaha Arsenal iyo Man United.

Labada kooxood ayaa ku tartami doona u soo bixista wareega xiga ee tartanka FA cup-ka

Arsenal ayaa kulanka soo galaysa iyaga oo Doonayay in ay badiyaan kulanka si ay uga sii qayb ahaadaan Tartanka ugu guulaysiga badan yihiin

Dhinaca kale Man United ayaa kulanka u soo galaysa iyaga oo doonaya in ay difaacdaan koobka ay ku guulaysteen xilli ciyaareedkii hore.

Halkan kaga bogo xaqiiqooyinka cajiibka ah ee kulanka.

  • Kani waa kulankii 16-aad ee kala duwan ee FA Cup (marka laga reebo ku celiska/lugaha labaad) ee u dhexeeya Arsenal iyo Manchester United, waana kulanka labaad ee ugu badnaa taariikhda tartanka ka dib Everton vs Liverpool (19).

 

  • Kulankaan ayaa ah kii ugu horeeyay oo dhexmara kooxaha Arsenal iyo Manchester United wareega 3-aad ee FA Cup-ka. Waxa ay noqon doontaa kulankii toddobaad ee kala duwan ee qaabka hadda loo qabto tartanka (ilaa 1925-26) .

 

  • Arsenal ayaa cirib tirtay kooxda heysata koobka FA-ga lixdii jeer ee ugu dambeysay oo ay wajahdo, waxaana ugu dambeysay 2-0 ay ku garaacday Manchester City semi-finalka 2019-20. Si kastaba ha ahaatee, Manchester United ayaa badisay seddex ka mid ah afartii kulan ee ugu dambeysay ee FA Cup ay wajahday Gunners, oo uu ku jiro kulankoodii kaliya ee hore ee ay ku kulmeen Emirates Stadium tartankan (3-1 bishii January 2019).

 

  • Manchester United ayaa Arsenal ka cirib tirtay FA Cup in ka badan kooxaha kale taariikhda tartanka (8), halka Gunners ay ka reebtay Red Devils in ka badan koox kasta oo kale (7).

 

  • Arsenal ayaa laga saaray wareega 3-aad ee FA Cup-ka laba ka mid ah saddexdii xilli ciyaareed ee ugu dambeeyay, iyaga oo ku dhacay caqabadan hal kulan oo ka mid ah 25-kii olole ee hore. Waxa ay ugu danbeyn ku soo baxeen wareega 3-aad xilli ciyaareed xiriir ah 1994-95 (vs Millwall) iyo 1995-96 (vs Sheffield United).

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga