Xabi Alonso Oo Magacaabay Kooxda Ugu Cad-Cad Ku Guulaysiga Europa League.

Tababaraha Kooxda Bayer Leverkusen ee Xabi Alonso ayaa magacaabay kooxda ugu cad-cad ku guulaysiga Europa League xilli ciyaareedkan.

Waxa maanta la sameeyay isku aadka Europa League wareega 8 dhamaadka iyada oo ay ka soo bexeen kulamo xiiso leh.

Kooxda Liverpool ayaa ku aaday Atalanta wareega 8 dhamaadka tartanka Europa League xilli ciyaareedkan.

Tababaraha Leverkusen ee Xabi Alonso ayaa Liverpool u magacaabay kooxda ugu cad-cad tartanka Europa League.

Xabi Alonso oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Aniga ahaan way cadahay, Liverpool ayaa ah koxda ugu cad-cad ku guulaysiga Europa League”.

Waxa xusid mudan in ay Bayer Leverkusen iyo Liverpool ayaa isaga hor iman kara final-ka tartanka Europa League.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga