Xabi Alonso Oo La Kulmaya Liverpool, Sabab.

Tababaraha Kooxda Bayer Leverkusen Xabi Alonso ayaa lagu soo waramayaa in uu la kulmayo maamulka kooxda Liverpool.

Xabi Alonso ayaa ka mid ah tababarayaasha lala xidhiidhinayo kooxda Liverpool si uu u buuxiyo booska Jurgen Klopp.

Tabbaaraha Liverpool ee Klopp ayaa shaaciyay in uu isaga tagayo kooxda Liverpool dhamaadka xilli ciyaareedka.

Xabi Alonso ayaa ugu cad-cad in uu noqdo tababaraha cusub ee kooxda Liverpool iyada oo maamula kooxdu go’aansadeen in ay ka dhigaan badalka Klopp.

Wararka ayaa sheegaya in uu Xabi Alonso la kulmi doono maamulka Liverpool todobaadka dambe si uu ugala hadlo heshiiska uu ugu biirayo Reds.

Xabi Alonso ayaa la filayaa in uu ogolaado in uu noqdo tababaraha cusub ee kooxda isla markaas uu badalo Klopp.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga