Wargeyska Marca ayaa sheegay in tababaraha Isbaanishka ah Xabi Alonso uu qorsheynayo inuu qaato nasasho gaaban oo uu kaga maqnaado shaqada tababarnimo muddada soo socota, haddii uusan naadiga Liverpool qaadin tallaabo rasmi ah oo ay kula soo saxiixanayaan.
Sida warbixinta lagu sheegay, Alonso wuxuu si degdeg ah u aqbali doonaa tababaridda Liverpool haddii naadigu soo gudbiyo dalab rasmi ah, arrintaas oo la xiriirta xiriirka xooggan iyo jacaylka weyn ee uu u qabo naadiga, maadaama uu horay ugu soo ciyaaray ciyaaryahan ahaan.
Real Madrid ayaa dhawaan ku dhawaaqday inay kala tageen tababaraha reer Basque, kaddib guuldarradii ka soo gaartay final-kii Super Cup-ka Spain ee ay kala kulmeen Barcelona, sidoo kale hoos-u-dhac ku yimid heerka ciyaareed ee kooxda, iyo weliba khilaaf ka dhex jiray Alonso iyo qaar ka mid ah ciyaartoyda kooxda.
Isla markaana, Liverpool gudaheeda waxaa ka jira shaki la xiriira sii joogitaanka Arne Slot ee xilka tababarenimo, sababo la xiriira natiijooyinka liita ee ay kooxda gaareyso xilli-ciyaareedkan, taasoo suuragal ka dhigi karta isbeddello ku yimaada shaqaalaha farsamada ee kooxda.
Be the first to comment