
Kooxda Arsenal ayaa Garaacday kooxda Leeds United Kulan premier league ahaa
Goolal ay dhaliyeen Timber (2), Gyokeres (2) iyo Saka ayaa Arsenal Ka caawiyay in ay gaadho guul weyn.
Hadaba Halkan Ayaana ku Soo gudbib doonaan xaaqiiqooyinka laga diwaangaliyay Kulanka.
Jurriën Timber ayaa noqday daaficii labaad ee Arsenal ee diwaan galiya 3 Gool hadii ya tahay caawin ama Dhalin premier league isaga oo maray wadadii xiddigii hore ee Arsenal Nacho Monreal.
Sidoo kale waa ciyaartoygii ugu horeeyay ee Gool dhaliyay sidoo kale caawin sameeyay kulan premier league tan ilaa Cédric Soares oo sidaas sameeyay may 2022.
Xiddiga Arsenal ee Max Dowman ayaa noqday xiddigii 3-aad oo taariikhda premier league ka Soo muuqda kulan ka Hor Inta uuna 16 jir gaadhin kadib Xiddiga ay isku kooxda yihiin Ethan Nwaneri iyo xiddiga Leicester City ee Jeremy Monga.
Leeds United ayaa haatan laga badiyay mid kasta oo ka mid ah lixdii kulan ee ugu dambeeyay ee ay ku ciyaartay meel ka baxsan garoonkeeda horyaalka Premier League, waana guuldaradii ugu dheerayd ee ay ku soo gaadho wadada heerka kowaad tan iyo intii u dhaxaysay October 1992 iyo February 1993 markaas oo uu Howard Wilkinson hayay.
Be the first to comment