Xaalku Waa Xumaada; Daawo Klopp Iyo Salah Oo Dirqi Lagu Kala Qabtay.

Xiddiga Liverpool ee Mohamed Salah iyo tababaraha Liverpool Jurgen Klopp ayaa la arkay iyaga oo murmaya intii uu socday kulankii Liverpool iyo West Ham.

Klopp ayaa kaydka dhigay xiddiga Mohamed Salah kadib qaab ciyaareedkii liitay ee uu soo bandhigay kulankii Everton.

Tababare Klopp ayaa kaydka ka soo kiciyay xiddiga iyada oo Liverpool u baahantahay guul.

Laakiin Kamerooyinka ayaaa qabtay Salah iyo Tababaraha oo muramaya.

Salah iyo Klopp ayaa is dhaafsaday hadalo ka hor inta uuna Klopp dib uga joogsan.

Mohamed Salah ayaa isku dayay in uu ka taba dhaqaaqo Klopp laakiin Darwin Nunez oo badal lagu soo galinayay wakhtigaas ayaa joojiyay Salah.

Halkan Ka Daawo Muuqaalka:

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga