Xaalada Mohamed Salah Ee Liverpool Oo Saamayn Karta Qaab Ciyaareedkiisa.

Halyeeyga Arsenal, Martin Keown, ayaa aaminsan in xaalada Mohamed Salah ee Liverpool ay tahay mid qodax leh, gaar ahaan maadaama uu ciyaaryahanku u muuqdo mid u xanaaqsan maamulka Reds.

Qandaraaska Mohamed Salah ee Liverpool wuxuu dhacayaa June 30, 2025, Salah ayaa dhawaan sheegay hadallo xaqiijinaya in maamulka Reds aysan weli wax heshiis ah u soo bandhigin xilli ciyaareedka.

Keown ayaa yidhi”Waxay u muuqataa in Mohamed Salah uu ka faa’iidaysanayo wax walba oo uu haysto si uu heshiis cusub ugu helo Liverpool”.

Isaga oo hadalkiisa sii wata ayuu yidhi: “Waxay u muuqataa in uu xanaaq ku ciyaarayo, sidii uu ku odhan lahaa maamulka Liverpool, ‘Ha i iloobina, wali xaalad fiican ayaan ku jiraa”.

Wuxuu raaciyay: “Waxaan u maleynayaa in tani ay ku dhiirigelineyso inuu si fiican u soo bandhigo ciyaaraha, laakiin ilaa intee?”

Wuxuu ku daray: “Intee in le’eg ayay tani saameyn ku yeelan kartaa qaab ciyaareedkiisa sababta oo ah waxa uu doonayaa in la xaliyo mawqifkiisa Liverpool.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga