Willian oo Frank Lampard ku tilmaamay tababarihii labaad ee ugu fiicnaa Chelsea

0

Xiddigii hore ee Chelsea Willian, ayaa amaan weyn u jeediyay Frank Lampard, isagoo sheegay in marka laga reebo José Mourinho, Lampard uu ahaa tababarihii ugu fiicnaa ee uu intii uu Chelsea joogay la shaqeeyay.

Willian ayaa sheegay in Lampard uu siiyay xorriyad uu ku muujiyo awooddiisa, isla markaana uu ku aaminay inuu noqdo hoggaamiye caawiya ciyaartoyda da’da yar.

Advertisment

Xilli ciyaareedkii 2019/20, Chelsea ayaa kaalinta afraad ku dhamaysatay Premier League iyadoo saaran xayiraad suuqa kala iibsiga, Willian-na wuxuu dhaliyay 9 gool oo uu sameeyay 7 caawin.

Willian ayaa sidoo kale qirtay inuu ka qoomameynayo go’aankii uu Chelsea uga tagay kuna biiray Arsenal sannadkii 2020, Wuxuu sheegay in Chelsea ay siisay heshiis laba sano ah, halka uu doonayay saddex sano, Arsenal-na ay u bandhigtay heshiis saddex sano ah iyo door hoggaamineed. “Run ahaantii, waa inaan Chelsea sii joogay,” ayuu yiri Willian, isagoo xusay in waayihiisii Arsenal aysan u noqon sidii uu filayay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here