William Saliba Oo Sharaxay Sababta Uu Heshiiska Cusub Ugu Saxiixay Arsenal Inkasta Oo Uu Dalab Ka Helay Real Madrid.

Bilowga wanaagsan ee Arsenal ee xilli ciyaareedkan cusub ayaa helay dhiirigelin dheeraad ah kadib markii si rasmi ah loo xaqiijiyay in William Saliba uu saxiixay heshiis cusub oo waqti dheer ah.

Difaaca reer France, oo horey ugu xirnaa Arsenal ilaa 2027, ayaa haatan heshiiska cusub ku kordhiyay ilaa 2030, iyadoo Gunners ay dhaqaaqeen si degdeg ah si ay heshiis cusub uga saxiixdaan xiddiga kadib markii uu xiiso ka helay Real Madrid.

Saliba, oo si weyn u koray una muujiyay heer sare tan iyo markii uu la shaqeynayay Mikel Arteta, ayaa haatan loo arkaa mid ka mid ah difaacyada ugu fiican Yurub, wuxuuna sheegay in uu weli doonayo horumar dheeraad ah.

“Markii aan saxiixay, waxaan dib ugu laabtay Saint-Etienne, ka dibna waxaan kusoo laabtay halkan oo aan noqday xiddig joogto ah. Waxyaabo badan ayaa dhacay, balse aad ayaan ugu faanayaa safarkeyga,” ayuu yiri William Saliba.

“Marna ma aanan quusan, xitaa waqtiyadii adkaa.”ayuu sii raaciyay.

“Dabcan, waxaan doonayay inaan isla markiiba ciyaaro, laakiin ma aanan filayn in wax walba sidan u wanaagsanaan doonaan,” ayuu yiri William Saliba.

“Si fiican ayaan u ciyaaray, xilli ciyaareedkii ugu horreeyay waxaan ku dhowaannay inaan horyaalka ku guuleysano, xilli ciyaareedkii xigayna sidoo kale.”

“Waan faraxsanahay haatan, laakiin ma ihi 100% faraxsan sababtoo ah waa inaan qabannaa wax ka badan. Waa inaan ku guuleysannaa koobab — waayo waa taas waxa aan doonayno, iyo waxa uu keliyoo doonayo naadigu.”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga