Weeraryahankii hore ee Manchester United, Wayne Rooney, ayaa ku adkeystay in Arsenal weli yihiin kuwa ugu cadcad hanashada horyaalka, inkastoo ay Axaddii 3-2 kaga adkaadeen Red Devils.
Matheus Cunha ayaa dhaliyay goolka guusha ee garoonka Emirates, kaddib markii Mikel Merino uu u muuqday mid dhibic u xaqiijiyay Gunners-ka.
Patrick Dorgu iyo Bryan Mbeumo ayaa horay goolal u dhaliyay Manchester United, iyagoo hoggaanka qabtay kaddib gool iskiis ah oo uu dhaliyay Lisandro Martinez.
Rooney ayaa BBC u sheegay:
“Waxay u ahayd bilow aad u fiican Michael [Carrick], laba guul laba kulan ah oo uu ka gaaray Manchester City iyo Arsenal.
“Ma uusan ku riyoon karin bilow sidan oo kale ah markii uu xilka la wareegay toddobaadkii hore.
“Waxaan u maleynayaa in Arsenal weli yihiin kuwa ugu cadcad horyaalka, balse waxay walaac ku noqon doontaa [Mikel] Arteta wixii dhacay saddexdii kulan ee ugu dambeeyay ee ay la ciyaareen Liverpool, Nottingham Forest iyo hadda Manchester United – hase yeeshee weli waxaan qabaa inay yihiin kuwa wax yar ugu cadcad.”
Be the first to comment