Wenger Oo Sheegay Faa’iidada Arsenal Ee Kulanka PSG.

Tababarihii hore ee Arsenal, Arsène Wenger, ayaa sheegay in kooxdu ay “faa’iido” ku leedahay Paris Saint-Germain ka hor kulanka lugta labaad ee semi-finalka Champions League Arbacada.

Sida laga soo xigtay Wegner, Gunners ma haysato “dhibaato maskaxeed” oo ay kula dagaalanto.

PSG ayaa guul gaartay lugtii hore ee kulanka  iyadoo 1-0 ku garaacday wiilasha Mikel Arteta ciyaar ka dhacday Emirates Salaasadii hore.

Wenger waxa uu aaminsan yahay in ayna PSG kaliya difaacan doonin goolka.

Waxa uu u sheegay beIN Sports: “Waxa xiisaha leh ee Champions League, marka aad baxdo iyo guriga, mar kasta ka hor inta aanad bilaabin ciyaarta lugta labaad, waxaad haysataa dhibaato maskaxeed si aad u xalliso”.

“Faa’iidada Arsenal waa dhibka maskaxeed waa mid sahlan. Waa inay tagaan oo ay ciyaaraan oo ay guuleystaan”.

“Dhibaatada maskaxeed ee PSG ayaa ah: ma waxaan u ciyaarnaa si aan u badino kulankaan mise waxaan u ciyaarnaa si aan u ilaalino goolka aan ku hogaaminayno”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga