Wayne Rooney Oo Tilmaamay Go’aan Sababay Guuldaradii Man City.

Wayne Rooney ayaa su’aal galiyay go’aankii Manchester City ee ahaa “runtii cajiibka ahayd” ee ay Kyle Walker ugu ogolaatay inuu kooxda ka tago bishii Janaayo.

Daafaca midig ayaa u sheegay City inuu doonayo inuu u dhaqaaqo dibadda bishii hore, waxaana uu amaah ugu biiray AC Milan ilaa dhamaadka xilli ciyaareedka, iyadoo kooxda reer Talyaani ay dookh u haysato in ay si toos ah ula wareegto xagaaga.

Xiddiga khadka dhexe ee Matheus Nunes ayaa inta badan buuxiyay booska Walker Halka uu Manuel Akanji buuxiyay booska kulankii Real Madrid ee xalay.

Vinicius Junior waxa uu ahaa halis joogta ah maadaama loo magacaabay ciyaaryahankii ciyaarta, taasoo keentay dhibaatooyink Akanji ee ciyaarta.

“Waxaan u maleynayaa inaad aragtay muhiimada uu Kyle Walker u leeyahay Man City todobadii, sideedii sano ee la soo dhaafay,” Rooney ayaa u sheegay Amazon Prime.

“Waxaan u maleynayaa inay aad u yaab badan tahay in la arko Kyle Walker oo loo ogolaaday inuu amaah ugu baxo AC Milan. Akanji ma ahan daafac midig, Rico Lewis waa ciyaaryahan da’yar oo ka ciyaara boosas kala duwan”.

“Waqtigan xaadirka ah ee xilli ciyaareedka Man City ay ku dhibtooneyso, Kyle Walker waa kabtanka kooxda kubadda cagta. In aan u ogolaado inuu amaah igu qaato runtii waa wax aan caadi ahayn.”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga