Wayne Rooney Oo Magacaabay Xiddig Sabab U Ahaa Guuldaradii Arsenal Ka Soo Gaadhay PSG.

Wayne Rooney ayaa farta ku fiiqay Declan Rice doorkii uu ku lahaa guushii ay PSG ka gaartay Arsenal tartanka Champions League.

Gunners ayaa lagu garaacay 1-0 lugtii hore ee semi-finalka habeenkii Salaasada.

Ousmane Dembele ayaa dhaliyay goolkiisii 25-aad ee sanadka 2025 kadib saddex daqiiqo iyo 20 ilbiriqsi taas ayaana ku filnaatay.

Intii lagu guda jiray falanqaynta ciyaarta ka dib Amazon Prime ee goolka, halyeeyga Manchester United Rooney ayaa si degdeg ah u aqoonsaday booska Rice in uu ahaa mid dilaa ah.

Rooney ayaa ku amaanay PSG ciyaartooda degdega ah ee weerarka laakiin waxa uu qabaa in Rice uu qaatay Go’aan khaldan.

“Tani runtii waa baas aad u fiican, waxa ay jabisaa xariiqyada, ka dibna Dembele waxa uu helay kubbada, waxana uu kula orday dhinaca goolka waxana uu u badalay gool”.

“Hadda Arsenal waxa ay haysataa wakhti ku filan oo ay ku soo kabsato, Declan Rice waxa uu qaataa go’aan khaldan”ayuu sii raaciyay.

” Waxa uu Soo galay Daafac si uu u ilaaliyo goolkiisa laakiin waxa uu sameeyay khalad maadama uu meel kale baneeyay”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga